WAX KA BARO TAARIIKHDA DIMUQRADIYADDA SOMALILAND BILOWGII IYO BURBURKII XISBIGII UDUB?

Waxaa Taariikhda ku xusan in Urur siyaasadeedkii u horeeyay ee Somaliland yeelato uu aasaasay Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee,isagoo si rasmmiya ugu dhawaaqay guddiga qaban qaabbada shirweynaha aasaaska Xisbiga Udub maalin ku beegan 30.6.2001.Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal waxuu u bixiyay ururka magaciisa Udub,waxaanu ku sii fasiray magaca ururka waa“URURKA DIMUQURAADDIGGA UMMADDA BAHOWDAY”waxaanu shirweynihii Xisbiga Udub ka qabsoomay caasimadda somaliland ee hargaysa hoolka guriga shaqaalaha maallin taariikhda ku beegan 10.7.2001 .

Shirkaasoo lagu doortay hoggaanka sare ee Ururka Udub oo kala ahaa,guddoomiyaha Ururka Udub oo loo doortay Alle ha u Naxariistee Madaxwayne Maxamad X Ibrahin Cigaal,halka guddoomiye ku xigeenka Ururka Udub loogu dortay Madaxwayne Daahir Raahir Rayaale Kaahin,iyo xoghayaha guud ee ururka Udub oo loo doortay Alle ha u Naxariistee Dr.Cabdi Aw Daahir Cali.

Mar kale,waxaa taariikhda ku xusan in Xisbiga Udub uu bulshada Somaliland ka helay codadkii ugu badnaa Saddexdii doorasho ee u horeeyay ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin uu ku qabtay saddex sanno gudahood,bal haddaba aynu dul joogsanno codadkii uu ka helay xisbiga Udub.

1;Doorashadii golaha deegaanka waxuu Ururka Udub ku guulaystay kaalinta koowaad,isagoo doorashadii golaha deegaanka uu ka helay 179,389 Cod,halka Ururka Kulmiye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 83,158 .

2;Doorashadii Madaxtooyada waxuu Xisbiga Udub ku guulaystay isagoo ka helay Xisbiga Udub coddad dhan 205,595,halka xisbiga kulmiye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 205’515 Cod.

3;Doorashadii golaha wakiillada waxuu Xisbiga Udub ka helay 33 Xildhibaan oo golaha wakiillada ka tirsan,halka xisbiga Kulmiye oo kaalinta labaad galay uu ka helay 28 Xildhibaan .

4;Doorashadii labaad ee Madaxwaynaha ee dalka ka qabsoontay 26.6.2010 waxaa ku guulaystay Xisbiga Kulmiye,isagoo Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin si sharafle ugu wareejay Murashaxii guulaystay ee Madaxwayne Siilaanyo .

Taariikhdu ma halmaantee,waxaa xusid mudan,in Madaxwayne Rayaale halmaan siyaasadeed oo wayn ku dhacay ka dib markuu murashaxii Madaxwaynaha Xisbiga Udub Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid uu ka doortay laba Wasiir oo xukuumadiisa ka tirsanaa oo kala ahaa :- Cali Maxamad Waran Cade iyo Axmad X Daahir .

Mar kale,waxaa xusid mudan,in Cali Maxamad Waran Cade oo ahaa murashaxii Madaxwaynaha Xisbiga Udub ee Maxkamaddu go’aamisay murashaxnimadiisa Madaxwaynaha,ayaa ku dhawaaqay maalin ku beegan 9/9/2012 in Xisbiga Udub ka hadhay doorashadii golaha deegaanka ee tartankiisu,isagoo Cali Maxamad Waran Cade ka hor dhacay go’aankii guddida diiwaan galinta ururada siyaasadda ee go’aanka sharciyan lahaa .

Mar kale,waxuu Madaxwayne Siilaanyo sagaal bilood ka dib, maalin ku beeggan 25/6/2013 u magacaabay Cali Maxamad Waran Cade Wasiirka Arimaha Gudaha.

Ugu dambayn,waxuu Cali Maxamad Waran Cade warbaahinta horteeda ka qirtay isagoo ku faanaya ka sheegay in uu Xisbigi Udub gacantiisa ku baabiiyay,waxaase xusid mudan in Madaxwayne Rayaale uu Afka furtay oo jawaab mug iyo miisaan lehna uu siiyay Cali Warancade balse nasiib darro Xildhibaanadii golaha wakiillada iyo Maayarradii ilaa taageerayaashii Xibiga Udub qofna aanu dacwad ku furin waxaan ku soo gunaanadayaa qormada taariikhda xambaarsan saddexda su’aalood .

1.Maxaa Sobobay Burburkii Xisbiga Udub ?

2.Yaase Ka Masuula Burburkiisa ?

3.Ma Jirtaa Xeelado Siyaasadeed Oo Xukuumadii Madaxwayne Siilaanyo Ku Burburisay Xisbiga Udub ?

Qalinkii: Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle.

ololaha31

Leave a comment